PSG Oo Dagaal Xoog Leh U Gali Doonta Coutinho, Man City Oo Damacsan Isco & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

0
132

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan ku soo dhawaada barnaamijkeena maalinlaha ah ee aan idin kula socodsiino wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ay qoreen wargeysyada Yuruba ka soo baxa.

Waxaa dhawaan soo xirmay suuqii kala iibsiga xagaaga, laakiin taasi kama joojineyso kooxaha iyo warbaahinta inay ka hadlaan ciyaartoy diirada saaran ee laga yaabo in lala wareego bisha Janaayo marka uu suuqa dib u furmo. Xaqiiqda wararkaan mas’uul kama ah laacib, waxaana xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku hor qoran.

Paris Saint Germain ayaa ka dhiganeysa xidiga Liverpool ee Philippe Coutinho oo 25-jir ah muhiimada koowaad ee suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan. (TF1)

Manchester City ayaa aaminsan iney lasoo saxiixan karaan xidiga Real Madrid Isco Alcaron kaas oo 25-jir ah isla markaana dhawaan saxiixay heshiis waqti dheer. (Don Balon)

Arsenal oo loo sheegay iney qasaariyeen fursadii ay kula saxiixan lahaayeen xidiga As Monaco Thomas Lemar. (Mirror)

Arsenal ayaa ka dalban doonta 18-jirka weerarka uga ciyara Eddie Nketiah heshiis cusub kaas oo isbuucii uu ku qaadan doono 15,000 kun oo Pound. (The Sun)

Paris Saint Germain ayaa u dhaqaqi doonta Alexis Sanchez iyadoo ka faa’ideysaneysa in Man City ay sheegtay iney sugi doonto markii xor noqdo. (Express)

Man United ayaa isha ku heysa daafaca midig ee PSG Thomas Meunier iyadoo diyaar u ah iney bixiso aduun dhan 30 Malyan oo Pound. (Express)

Tottenham iyo Everton ayaa wadahadalo kula jira wakiilada weeraryahanka kooxda Besiktas Cenk Tosun. (Heberturk)

Manchester City ayaa rajeyneysa iney 10 Malyan oo Pound kaliya kusoo qaadato daafaca Napoli Faouzi Ghoulam. (Mirror)

Everton oo si layaab leh u qorsheyneysa iney ugu dhaqaaqdo xidiga gadoodka ka ah Arsenal ee Alexis Sanchez. (The Sun)

Daafaca Barcelona Javier Mascherano ayaa rajeynaya inuu u dhaqaaqo horyaalka Major League Soccer. (Sport)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here