Girona Oo Soo Afjartay Rikoorkii Guulaha Xiriirka Ahaa Ee Ay Real Madrid Kusoo Gaareysay Kulamada Ay Martida Tahay.

0
90

Kooxda Girona ayaa joojisay guulahii xiriirka ahaa ee ay Real Madrid kusoo gaareysay meel ka baxsan gurigeeda kadib markii ay ku ciqaabtay garoonka Estadio Montilivi, taasoo ka dhigan iney soo afjartay 13-kulan oo xiriir ah oo ay kulamada La Liga soo adkaatay iyadoo marti ah.

Zinedine Zidane wuxuu lahaa hammi ah inuu sii dheereysto rikoorka isla markaana uu sadex dhibcood oo muhiim ah kasoo qaato gobolka Catalonia, balse xidigaha Girona ayaa baajiyay oo 2-1 ku dilay.

Guulaha xiriirka ah ee ay Real Madrid gaareysay kulamada ay martidatahay ee horyaalka La Liga waxey soo bilowdeen kulamadii 24-aad ee horyaalka xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay markaas oo ay 3-2 kaga adkaadeen Villarreal iyagoo jooga garoonka El Madrigal kulan si weyn loogu xasuusan doono Alvaro Morata oo goolka guusha dhaliyay daqiiqadii 83-aad.

Wixii intaas ka dmabeeyay waxey guulo ka gaareen Eibar, Athletic, Leganes, Sporting, Deportivo (laba jeer), Granada, Celta, Malaga, Real Sociedad iyo Alaves.

Waxey guulahaas u saleen iney dhaafaan rikoorkii guulaha xiriirka ah ee kulamada horyaalka La Liga ugu dheeraa oo ay heysatay Barcelona kuwaas oo 12-kulan oo xiriir ah guuleystay, Villareal ayaa guuleysatay 7-kulan oo xiriir ah, Atletico Madrid 6-kulan halka Valencia ay guuleystay 5-kulan oo qura.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here