Aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo Khatar Geliyey Nabad Gelyada Shaqaalaha Cadaanka Ah Ee Hay,adaha Qaramada Midoobay Ee Ku Sugan Somaliland Kadib Markii uu Sheegey In Qaramada midoobay Ay Taageersan yihiin Mid Kamida Xisbiyada Somaliland.

0
87

Maxamed Cali Bile oo kamida masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee u tartamaya madaxtinimada dalka Somaliland doorashada la filayo inay dhacdo 13-11-2017 ayaa maalmo yar uun ka hor kasoo muuqday warbaahinta la iska arko isagoo sita waraaqo foojeri ah oo uu leeyahay ergiga qaramada midoobay u qaabilsan dalka Somalia Michael Keating ayaa qoray warqadaa oo uu ku sheegey inuu u dirayey madaxweynaha Soomaalia Farmaajo,

Maxamed Cali Bile oo hore u ahaa shaqaale ka tirsan qaar kamida hay,adaha qaramada midoobay isla markaana kasoo shaqeeyey wadamo badan oo dagaallo ka dhaceen ayaa si toosa ugu dhaleeceeyey in ergiga Qaramada midoobay u qaabilsan dalka Somalia uu faro gelin toosa ku hayo arimaha gudaha Somaliland isla markaana warqadaa uu ku taageerayey Xisbiga Wadani oo madaxda Xisbiga Kulmiye ay mudooyinkii u danbeeyey ay ku xidhiidhinayeen xukuumada Somaaliya & madaxweyne Farmaajo.

 

Qaramada Midoobay & Ergiga u qaabilsan Soomaaliya waxay si rasmi ah u beeniyeen warqadaa isla markaana waxay sheegeen in aanay jirin sabab ku kelifeysa inay kala jecleystaan xisbiyada ku tartamaya doorashada Somaliland isla markaana waxay ku tilmaameen arin lala yaabo in xisbiga Kulmiye ay ku ololeeyaan been ay ka sheegaan Hay,ada Qaramada Midoobay,

Arintan uu ku kacay Maxamed Cali Bile waxay si toosa u keeni kartaa in dad wax magarato ah oo kamida taageerayaasha xisbiga Kulmiye ay u arkaan in Qaramada midoobay ay taageersan tahay xisbiga Wadani sida uu ku dooday Maxamed Cali Bile taasina ay keeni karto inay bartilmaameedsadaan shaqaalaha cadaanka ah ee ku sugan dalka Somaliland, Arintan oo khatarteeda leh hadii ay timaadana waxaa masuuliyadeeda si toosa u qaadanaya Maxamed Cali Bile oo warqad been ah ku eedeeyey Qaramada midoobay isla markaana khal-khal ku geliyey amaanka dalka Somaliland, Arinta layaabka leh ayaa ah in Maxamed uu kamid ahaa shaqaalaha Hay,adaha Qaramada Midoobey mudo dheer isla markaana uu garan karo khatarta ay leedahay in dadka ku nool deegaanka ay shaqaalaha Hay,adu ka hawl gasho lagu soo jeediyo ama farta loogu fiiqo oo loo tuso in Hay,adu dadkaa lidi ku tahay ama kasoo hor jeedo,

Maxamed Cali bile ayaa la rumeysan yahay inuu yahay ninka ka danbeeya fikrada ah in xisbiga Kulmiye uu ku ololeeyo in xisbiga Wadani uu xidhiidh la leeyahay xukuumada Somaliya isla markaana uu musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi uu kaga qudbadeeyo magaalada Burco in qeyb kamida shacanka dalka Somaliland & Magaalada Burco ay doonayaan Soomaali weyn, Arintan oo aad uga yaabisay dhamaan dadka reer Somaliland isla markaana ay u arkeen inay tahay qorshe la doonayo in dagaal lagu dhex dhigo dadka reer Somaliland, Maxamed Cali Bile ayaa warar rasmi ah oo aanu helnay ay noo xaqiijiyeen inuu ahaa ninka ka danbeeyey in lasoo qoro warqado foojeri ah oo mid kamida laga been abuuray Qaramada Midoobay oo ay sheegeen in ay ku taageerayaan xisbga Wadani, Maxamed waxaa sidoo kale naloo xaqiijiyey inuu ahaa ninka lacagta u diray magaalada Muqdisho si dad halkaa jooga Video looga soo duubo oo ay yidhaahdaan waxaanu taageersanahay xisbiga Wadani,

 

Ugu Danbeyntii ninkan oo khatar geliyey amaanka & nabad gelyada shaqaalaha cadaanka ee ku sugan Somaliland & Amaanka dalka Somaliland ayaa ah ninka xuduuda dalka ka talaabiyey ololihii xisbiyada Somaliland iyadoo ujeedada ugu weyn ee uu arintaa u sameeyeyna lagu sheegey inuu Maxamed ahaa nin ka shaqeeya oo ka ceesha wadamada ay dagaaladu ka dhacaan oo uu Hay,adaha uga soo shaqeeyey Wadamada Yaman & Ciraaq & wadamo kale oo africa ah isla markaana uu doonayo in Somaliland uu dagaal sokeeye ka dhaco isla markaana uu ku qaato mashruucii uu hore uga shaqeyn jirey ee ahaa wadamada uu dagaalku ka jiro, Ninkan arinkiisana waxaa la sheegey in iminka ay baadhayaan Qaramada Midoobay iyagoo gacanta ku haya muuqaalkii uu ka hadlayey ee uu beenta kaga faafinayey Qaramada Midoobay,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here